Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Qaabilay Safiirka Turkiga iyo Taliyaha TÜRKSOM

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, kaas oo ay wehlinayeen Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakiil kale oo sar-sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga, iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dadaallada socda ee lagu tayeynayo ciidanka Soomaaliyeed, gaar ahaan tababarrada iyo taageerada ay dowladda Turkigu siiso Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaato dib u dhiska iyo horumarinta hay’adaha amniga dalka.

Sidoo kale, Safiirka Turkiga iyo saraakiisha la socday ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, loona dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka dhow iyo wada shaqeynta istiraatiijiga ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, iyo dib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliyeed.