Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Maalinta Calanka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku beegan Maalinta Calanka Soomaaliyeed, isaga oo xusay qiimaha taariikheed ee uu calanku u leeyahay qaranka iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray sidii uu uga baban lahaa guud ahaan dalka iyo fagaarayaasha caalamka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in maanta ay ka soo wareegtay 72 sano markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, kaas oo astaan u ah qaranimada, midnimada, madax-bannaanida iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku dhisan xorriyadda, wadajirka iyo ilaalinta jiritaanka qaranka.
Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Calanka Soomaaliyeed uu yahay astaan mideysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, isla markaana uu xambaarsan yahay taariikhda halgankii dheeraa ee loo soo maray xornimada, midnimada iyo dhismaha dowladnimada dalka.
Wasiirka ayaa xusay in calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda kaga taalla uu ka mid yahay astaamaha ugu muhiimsan ee lagu garto qaranka Soomaaliyeed, isaga oo muujinaya rajada, wadajirka iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha mustaqbal nabdoon oo ay ku wada noolaadaan dhammaan muwaadiniinta dalka.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in jiilasha cusub ee Soomaaliyeed la baro taariikhda calanka, halgankii loo soo maray xorriyadda iyo kaalintii ay awoowayaashood ku lahaayeen dhismaha qaranka. Waxa uu tilmaamay in ilaalinta astaamaha qaranku ay qayb muhiim ah ka tahay xoojinta waddaniyadda iyo kobcinta dareenka mas’uuliyadda ee shacabka.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maanta dagaal ugu jiraan difaaca calanka Soomaaliyeed, midnimada dalka iyo ilaalinta madax-bannaanida qaranka. Waxa uu xusay in ciidamada ay gudanayaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan sugidda amniga, difaaca shacabka iyo ka hortagga kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in dadaallada ay ciidamada ammaanku ugu jiraan sugidda amniga iyo difaaca dalka ay u baahan yihiin garab istaag iyo taageero joogto ah oo kaga timaadda shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo in calanka Soomaaliyeed uu si sharaf leh uga babado dhammaan deegaannada dalka.
Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo isku duubnida qaranka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaan iyo dib u dhac ku yimaadda horumarka dalka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay munaasabadda Maalinta Calanka uga faa’iideystaan xoojinta jacaylka waddanka, ilaalinta midnimada iyo garab istaagga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku howlan difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
Munaasabadda 12-ka Oktoobar ayaa sanad kasta loo asteeyaa Maalinta Calanka Soomaaliyeed, waana maalin xusuus gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay dib u xusuusinayso taariikhda calanka, halgankii xorriyadda iyo himiladii ay lahaayeen dadkii u soo halgamay madax-bannaanida Soomaaliya.