Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaartayn oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda & Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada & Shacabka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in tababarrada ciidamada Dowladda Federaalka ay bixinayso ay ku arkeen Dhallinyaro heegan u ah kana go’an in ay difaacaan Dalkooda si lamid ah halyeeyadii ka shaqeeyay halgankii xorriyadda Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa dib u abaabulka howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee horay uga billowday Gobollada Dalka balse maalmihii lasoo dhaafay hakad kooban uu galay waana tan keentay in Dad badan Su’aalo ka keenaan.