Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka hadlay dagaalkii culus ee maanta ka dhacay Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Wasiir Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaas lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen weerarkaasi.
“Dhimashada kooxda AS waxa ay gaartay 60, halka dhaawaca uu gaarayo 50. Waxaa sidoo kale la dilay labadii horjooge ee hoggaaminayay dagaalkii saakay ka dhacay Ceeldheer,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sidoo kale ammaanay geesinimada ciidanka qalabka sida iyo shacabka deegaanka ee iska kaashaday difaaca gobolka, isagoo tilmaamay in howlgalada lagu ciribtirayo kooxda AS ay sii socon doonaan.