Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee Qatar, waxaana looga hadlay horumarinta iskaashiga ganacsi iyo warshadeed ee labada dal.
Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay si qoto dheer dib u eegis ugu sameeyeen heerka xiriirka ganacsi, maalgashi iyo warshadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar. Waxa ay isla gartay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashigaas, loo abuuro fursado ganacsi oo dheeraad ah, laguna dhiirrigeliyo maalgashiga labada dhinac, si loo horumariyo dhaqaalaha iyo kobcinta warshadaha Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallo ballaaran oo ay labada dowladood ka wadaan hormarinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta ganacsi, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo abuurista jawi ku habboon horumarinta ganacsiga, warshadaha iyo fursadaha shaqo ee labada dal. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku adkeeyay muhiimada iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga oo xusay in kulamada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin kobcinta xiriirka labada dal ee dhinaca dhaqaalaha.