Wasiirka Ganacsiga Oo kulan laqaatay Qaar kamid Ganacsatada Somaliyed

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa kulan la qaatay qaar kamida Ganacsatada  Beeraha, Kalumeysiga, Xoolaha,  iyo Shirkadaha wax dhoofsada, soona degsada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Ka tashiga Caqabadaha heysta ganacsatada qeybahooda kala duwan iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo Laguna horumarin karo dhaqaalaha dalka loona abuuri karo  maalgashi wanaagsan ayuu ku saabsanaa.

Xildhibaan Sacdiyo Careys Ciise oo xubin ka ah guddiga Ganacsiga ee Golaha shacabka  iyo Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga ayaa kulanka goobjoog ka ahaa, waxaana la isku weydaarsaday figrado iyo tusaalooyin kala duwan sida fududeenta Canshuurta, dhiirigelinta wax soo saarka dalka, tayeynta badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa,  iyadoo ugu dambeyna goobta looga  dhawaaqay guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada qeybaheeda kala duwan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya kaas oo ka shaqeyn doona xoojinta tayada iyo tirada waxyaabaha ay Soomaaliya u suuq geyn karto wadamada  ay ganacsi wadaaga la tahay.

Axmed Shiiq Cabdullaahi Warsame Madaxa qeybta Ganacsiga Dibadda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa goobta ka aqriyey magacyada guddiga la magacaabay iyo shaqada ay qaban doonaan.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa guddiga la dhisay ku guubaabiyey in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.