Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Gamal Maxamed Xasan, ayaa guddoomiyey furitaanka shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka gobolka.
Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo wasiirrada iyo masuuliyiinta ka qeybgalaya ay ka wada hadlayaan sidii loo fududeyn lahaa ganacsiga, loo horumarin lahaa marinnada ganacsiga, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada iyo bulshada ku nool gobolka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, oo ku hadlay magaca dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika, ayaa ku baaqay in dalalka gobolka ay si wadajir ah ugu dhaqaaqaan dhismaha hal aag dhaqaale oo wadaag ah, kaas oo fududeynaya isu-socodka badeecooyinka, adeegyada iyo ganacsatada.
Danjire Gamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo ballanqaadyada siyaasadeed, lana qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo horseeda natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan kuwa si toos ah uga faa’iideysanayaan ganacsatada iyo shacabka dalalka gobolka.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ansixinta iyo hirgelinta Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee 2026–2031, kaas oo lagu doonayo in lagu dhimo caqabadaha hortaagan ganacsiga xuduudaha ka gudba, lana fududeeyo habraacyada ganacsi ee ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Hindisaha Geeska Afrika.
Sidoo kale, wuxuu muhiimad gaar ah siiyey dhismaha Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga (RTFC), kaas oo loo qorsheeyay inuu noqdo hannaan isku xira dadaallada dalalka gobolka ee ku aaddan fududeynta ganacsiga iyo hirgelinta qorshayaasha la isla meel dhigay.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah Hindisaha Geeska Afrika inay waqtigii loogu talagalay soo magacaabaan wakiilladooda guddiga, si guddigu u bilaabo shaqadiisa, loona helo hannaan mideysan oo lagu dardargelinayo fulinta qorshaha ganacsi ee gobolka.
Waxaa sidoo kale uu tilmaamay baahida loo qabo isku-dubarid xooggan oo dhex mara dalalka xubnaha ka ah Hindisaha, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Danjire Gamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshe kasta oo lagu horumarinayo ganacsiga gobolka uusan miro dhal noqon karin haddii aysan jirin maalgelin ku filan, iskaashi joogto ah iyo ka qaybgal dhab ah oo ay yeeshaan ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Wuxuu ku baaqay in qorshayaasha lagu heshiiyo aan lagu ekaan heerka siyaasadda iyo shirarka, balse loo beddelo waxqabad la cabbiri karo, iyadoo la dejinayo hannaan cad oo lagu qiimeeyo horumarka laga sameynayo fududeynta ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka.
Wasiirrada Ganacsiga ee ka kala socday Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa iyaguna muujiyey taageeradooda ku aaddan Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka iyo dhismaha Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga.
Wasiirradu waxay si gaar ah diiradda u saareen muhiimadda ay leedahay horumarinta marinnada ganacsiga ee isku xira dalalka gobolka, maadaama waddooyinka iyo marinnada ganacsigu ay laf-dhabar u yihiin isu-socodka badeecooyinka iyo kobaca dhaqaale.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo fududeyn lahaa habraacyada kastamka, loona yareyn lahaa waqtiyada iyo kharashaadka ku baxa badeecooyinka ka gudbaya xuduudaha dalalka gobolka.
Qodobada kale ee muhiimka ah ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa isku-xirka dekedaha iyo dalalka aan badda lahayn, casriyeynta goobaha xuduudaha, adeegyada dhijitaalka ah iyo adeegsiga tiknoolajiyadda si loo fududeeyo ganacsiga iyo isu-socodka badeecooyinka.
Wasiirradu waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in ganacsatada iyo qaybta gaarka loo leeyahay ay si dhab ah uga qeybqaataan qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada ganacsiga gobolka, maadaama ay yihiin dhinacyada sida tooska ah uga faa’iideysanaya ama u wajahaya caqabadaha ganacsiga xuduudaha ka gudba.
Dhanka kale, Dowladda Jarmalka oo ku hadlaysay magaca saaxiibbada horumarinta ayaa xaqiijisay taageerada joogtada ah ee ay u hayso ajendaha ganacsiga gobolka.
Dowladda Jarmalka ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay yeeshaan hoggaan mideysan oo ku aaddan hirgelinta qorshayaasha ganacsi, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la xoojiyo isku-dubaridka taageerada farsamo iyo midda maaliyadeed ee ay bixiyaan saaxiibbada horumarinta.
Waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda dejinta hannaan hirgelineed oo cad, kaas oo qeexaya mas’uuliyadda dalalka iyo hay’adaha kala duwan, isla markaana suuragelinaya in si joogto ah loo cabbiro horumarka laga sameynayo qorshayaasha la isku raacay.
Shirkan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu sii xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo la filayo in heshiisyada iyo qorshayaasha ka soo baxa ay gacan ka geystaan fududeynta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado cusub oo ay ka faa’iideystaan shacabka iyo ganacsatada gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee gobolka, iyadoo xoogga la saarayo in la helo suuqyo isku xiran, ganacsi fudud iyo fursado dhaqaale oo horseeda horumar waara.