Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha nidaamka lacag-bixinta CIPS ee Shiinaha

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamal Mohamed Hassan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha CIPS, Mudane Wang Hongbo, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo fududeynta isu-gudbinta lacagaha ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

CIPS waa nidaam maaliyadeed oo uu Shiinuhu u adeegsado fududeynta lacag-bixinta iyo xisaab-xirka ganacsiga caalamiga ah, kaas oo door muhiim ah ka qaata isu-gudbinta lacagaha ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalalka kala duwan.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa bixinta iyo helitaanka lacagaha la xiriira ganacsiga ay la leeyihiin Shiinaha, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay iskaashiga ku saabsan adeegsiga lacagta dalka Shiinaha ee Yuan-ka.

Wasiirka Ganacsiga ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay helaan hannaan sahlan oo ay ku maareeyaan lacagaha ay ku kala iibsanayaan badeecadaha, si loo yareeyo caqabadaha ka jira isu-gudbinta lacagaha, loona xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay fursadaha ka dhalan kara adeegsiga nidaamka CIPS, gaar ahaan fududeynta macaamillada maaliyadeed, dardargelinta ganacsiga iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan lahaayeen nidaamyada lacag-bixinta ee ka jira Shiinaha.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisak Cali Ibrahim, iyo howlwadeenno kale oo ka tirsan wafdiga Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo la doonayo in la ballaariyo fursadaha ay ganacsatada labada dal ku wada shaqeyn karaan.

Sidoo kale, iskaashigan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto fududeynta suuq-geynta iyo dhoofinta wax-soo-saarka Soomaaliyeed, si badeecadaha dalka looga soo saaro ay u helaan fursado ay ku gaaraan suuqyada waaweyn ee Shiinaha, taas oo qeyb ka noqon karta kobcinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.