Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo sheegya in Dalka laga mamnuucayo bacda iyo darookiska

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshe la xiriira sidii iska warqab looga sameyn lahaa alaabaha dalka la soo geliyo.

Wuxuu sheegay in dhawaan wasaaradda Ganacsiga ay sharci ka soo saareyso alaabaha dalka la soo geliyo, si looga hortago waxyaabaha dhibaatada u keenaya shacabka.

Wuxuu sheegay wasiir Maareeye in ardada Soomaaliyeed uu dhibaato badan ku hayo Daroogada la yiraahdo Taabuuga, midaasi ayuu tilmaamay inay wax badan ka qaban doonaan.

“Waxaan kala hadalnay arrimahan golaha wasiirada qeybta arrimaha bulshada iyo dhaqaaha, waxaan ka soo saari doonaa shuruuc, marka ay soo ansixiyaan golaha wasiirada oo hada uu hor yaallo sharcigan”. ayuu yiri wasiirka Ganacsiga.

Ganacsiga Soomaaliya ayaa u baahan dheelitir, isdhaafsi iyo hubinta la xiriirta alaabooynka dalka la soo geliyo, si loo xoojiyo xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada ammaanka ay Dekada Muqdisho ku qabteen Konteenaro Qamri ah, iyada oo intaasi kadib la burburiyay.