Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Türkiye Kala Hadlay Horumarinta Warshadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan muhiim ah oo miro-dhal ah la yeeshay Mehmet Fatih Kacır, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyadda ee Jamhuuriyadda Türkiye.

Kulankan oo ka dhacay jawi is-afgarad iyo iskaashi ku dhisan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqaale ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta warshadaha, maalgashiga, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah warshadaynta Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay Hindisaha Aagagga Warshadaha ee Soomaaliya, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay u aragto tiir muhiim ah oo lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka, lagu dhiirrigelin karo maalgashiga gudaha iyo kan dibadda, isla markaana lagu abuuri karo fursado shaqo oo ballaaran. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda iyo waayo-aragnimada dheer ee Türkiye ay u leedahay horumarinta warshadaha iyo casriyeynta tiknoolajiyadda.

Wasiir Jamal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo dib-u-dhis dhaqaale ah, islamarkaana ay mudnaan gaar ah siinayso kobcinta warshadaha si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, loo yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, loona xoojiyo awoodda ganacsi ee dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Türkiye Mehmet Fatih Kacır ayaa muujiyay diyaar garowga dalkiisa ee ku aaddan taageeridda dadaallada Soomaaliya ee horumarinta warshadaha, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi waara oo faa’iido u leh labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sidii loo kordhin lahaa maalgashiga tooska ah, loo horumarin lahaa awoodda wax-soo-saarka warshadaha, loo dhiirrigelin lahaa ganacsatada iyo shirkadaha labada dal, isla markaana loo abuuri lahaa jawi ganacsi oo soo jiita maalgashadayaasha caalamiga ah.

Gabagabadii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada warshadaha iyo teknolojiyadda, iyadoo la dardargelinayo mashaariicda iyo qorshayaasha kor u qaadaya kobaca dhaqaale, abuurista shaqooyin cusub iyo horumar waara oo shacabka labada dal ay ka faa’iideystaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiyada caalamiga ah ee horseedaya horumar dhaqaale, maalgashi iyo barwaaqo waarta.