Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Wafdi uu Hoggaaminayo Oo Shir kaga qeyb galaya Dalka Turkiga

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga  Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya iyo  Wafdi uu hoggaaminayo  ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doono Shir u dhaxeeya Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Xubno ka socda Ganacsatada Dowlad Gobaleedyada Soomaaliyeed.

Shirkan oo looga hadli doono sidii loo maalgalin lahaa Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wax soosaarka dalka Soomaaliya waxaa shir guddoomin doona Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

 Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka ka jeedin doona Khudbad uu kaga hadli fursadaha maalgashi ee Soomaaliya kaga banaan Ganacsatada iyo sida Ganacsatada Turkiga u maalgashan karaan Soomaaliya si waxsoosarka dalka kor loogu qaado.