Wasiirka Gashaandhigga Somaliya oo sheegay in ay dhisayaan Xeryaha Ciidamadda Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa sharaxaad ka bixiyay howl-gallada ay Ciidanka Dowladda ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hadafka ay Dowladdu ka leedahay tayaynta Ciidanka xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dib u dhis ku samayn doonaan dhammaan Xeryahii Ciidanka Xoogga uu ku lahaa Dalka, isagoo intaa raaciyay in ay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ka hirgelinayaan talisyo kale si loo ballaariyo tayada iyo howl-gallada Ciidanka Dowlada.

Wuxuu sheegay Wasiirku in ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay in ay soo nooleeyaan cududdii Ciidanka xoogga, wuxuuna xusay in ay haatan ahmiyadda siinayaan Ciidanka Lugta si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab,, iyadoo ay xigi doonaan tayaynta Ciidamada Cirka iyo Badda, si ay Soomaaliya ula soo laabato awooddii ay horay u lahayd.

Dhinaca cuna-qabataynta Hubka ayuu sheegay in ay guulo ka gaareen, taas oo ku xirnayn sida ay Dowladdu ugu fal-celiso la dagaallanka musuqa, habaynta miisaaniyadda iyo sare u qaadidda tayada Ciidanka taasina ay kasoo baxeen, wixii haatan ka dambeeyana ay filayaan in laga qaado xayiraadda Hubka, si ay usoo Afjaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.