Wasiirka Howlaha guud oo la kulmey madaxda hay,adda TIKA.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Cabdisalaan Cali (Dhaay) oo ay wehlinayaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo Agaasimaha waaxda Tayodhowrka ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Zafer ESKI, kaas oo ay ka wada hadleen kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dhinac iyo iskaashiga kaabayasha muhiimka ah ee dib u dhiska Dalka.
Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa uga mahad celiyey Dowladda Turkiga kaalinta dib u dhis oo ay dalka ka wado, isagoo ka codsaday Madaxa TIKA in la joogteeyo tababarada Injineerada wasaaradda iyo sare u qaadida xirfadahood