Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo Door Muuqda ka Qaatay Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta

Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa martigelisay Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku matalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Adam Macallin, oo door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

Wasiirka ayaa madasha ka jeediyay hadal uu ku faahfaahiyay aragtida Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda casriga ah, isaga oo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal ah loona dardargeliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka-qaybgalka dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aannada saameeya jihada horumarka dijitaalka ee gobolka, iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan hal-abuur, aqoon wadaag iyo adeegsiga tiknoolojiyad casri ah.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabeyaasha isgaarsiinta, horumarinta adeegyada dijitaalka iyo la jaanqaadka isbeddellada tiknoolojiyadeed ee casriga ah.