Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Isxaaq Cusmaan (Fanax), ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay maamulka cusub ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed uu ku xoojinayo hogaaminta degmooyinka iyo kor u qaadida adeegyada bulshada, iyadoo la xaqiijinayo in maamulka cusub uu u adeego shacabka si hufan oo waafaqsan shuruucda iyo dastuurka.
Wasiirka ayaa xusay in maamulka cusub ee Xudur uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga, dardargelinta horumarka, iyo wada shaqeynta shacabka, isla markaana uu qeyb ka noqon doono qorshayaasha horumarineed ee gobolka Bakool.
Shacabka deegaanka ayaa loo sheegay in maamulka cusub uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo bulshada, isla markaana uu ka shaqeyn doono xal u helidda dhibaatooyinka deegaanka iyo kor u qaadida adeegyada aasaasiga ah.
Ugu dambeyn, magacaabista maamulka cusub ee Xudur ayaa muujineysa sida Dowladda Koonfur Galbeed ay uga go’an tahay dhismaha hufan ee hogaaminta degmooyinka iyo xoojinta nabadgelyada iyo horumarka gobolka.