Wasiirka Maaliya Oo Maanta Daah-Furay Isticmaalka Miisaaniyadda Dalka Ee 2019

Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo.

Dadaalka ay waddo wasaaradda Maaliyadda Dalka marka laga soo tago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono.