Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, kaas oo maanta booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Maaliyadda iyo UNDP, iyadoo si gaar ah looga hadlay qaab-dhismeedka Isku-xirka Maalgelinta Qaranka (Integrated National Financing Framework – INFF), kaas oo muhiim u ah isku-dubaridka iyo qorsheynta ilaha kala duwan ee maalgelinta dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo horumarinta qorshayaal maalgelin oo mudnaan gaar ah u leh baahiyaha iyo qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya.
Wasiir Biixi Iimaan Cige iyo Wakiilka UNDP ayaa isla soo qaaday fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maaliyadda iyo horumarinta, iyadoo la eegayo kaalinta ay UNDP ka qaadan karto taageerada farsamo iyo dhisidda awoodda hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha maalgelinta ee taageeraya barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha qaran ee mudnaanta leh.
Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo helo maalgelin waarta iyo taageero farsamo oo gacan ka geysata horumarinta dhaqaalaha dalka.
Booqashada Wakiilka UNDP ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagta caalamiga ah, iyadoo diiradda la saarayo taageerada qorshayaasha horumarineed iyo kobcinta awoodda dowladda ee dhinacyada maaliyadda iyo qorsheynta maalgelinta qaranka.