Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan oo Maraykanka uga qaybgalaya…

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan Dalka Maraykanka gaar ahaan Washington DC ayaa ka qaybgalaya shir looga hadlayo Arrimaha Maaliyadda & Dayn Cafinta ee Hay’adda Lacagta Adduunka IMF & Bangiga Adduunka ay wadaan.

Shirkaan oo loogu magac daray xiliga guga waxa uu socon doonnaa muddo todobaad ah iyada oo maalin weliba marba qodob lagu gorfayn doonno si diiradda loo saaro arrimaha mudnaanta u leh dayn cafinta, hannaanka maaliyadda iyo dib u eegista dhaqaalaha Adduunka sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cige ayaa kahor furmashada Shirkaan waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonnaa ka qaybgalayaa iyo wafdiga ka socda Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF loosoo gaabiyo iyo Bangiga Adduunka si ay isu xog-waraystaan.

Wafdiga Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay madax kala duwan oo uu kamid yahay Agaasimaha sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamuud Muxudiin oo ay kawada hadleen dedaallada ay wado Xukuumadda Federaalka.

13dii Deseembar sanadkii tagay 2023 waxaa Soomaaliya laga cafiyay Dayntii waqtiga dheer ku taagnayd maadaama shuruudihii la hordhigay ay kasoo baxday, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in dedaallada ay wadaan ka gungaarayaan si fursadaha bannaan looga faaiidaysto.