Wasiirka Qorsheynta Somaaliya Oo Shie muhiim ah ka daahfuray Gorowe

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Maanta Garoowe ka daahfuray Shirka wada-tashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad.

Wasiirka ayaa Talaadadii shalay waxa uu gaaray  Mgalada Garoowe,waxaana shirkaan uu saldhig u yahay geeddi socodka Deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, si dalkeenu u gaaro Horumar.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya hay’adaha  kala duwan Dawlad gobaleedka Puntland, Ururadda Bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

Shirkaan ayaa waxaa horay loogu qabtay Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee Goboloada Baay iyo Jubbada Hoose.