Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjire Zhang Lubiao, Safiirka ahna Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Shiinaha u fadhiya hay’adaha Qaramada Midoobay ee xaruntoodu tahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada horumarinta, xaaladda bani’aadannimo iyo fursadaha maalgashi ee ka jira qaybaha mudnaanta leh ee dhaqaalaha dalka.
Wasiir Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax ayaa kulanka ku faahfaahiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ballaarinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye, gaar ahaan qaybaha xoolaha, kalluumeysiga, tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto khibradda Dowladda Shiinaha ee dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda casriga ah iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo dardargeliyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjire Zhang Lubiao ayaa muujiyay sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageeridda dadaallada horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay abaabulka kheyraadka, xoojinta iskaashiga iyo ilaalinta guulaha horumarineed ee la gaaray, si loo kordhiyo adkeysiga bulshada loogana jawaabo caqabadaha ka dhashay yaraanshaha maalgelinta bani’aadannimada iyo mashaariicda horumarinta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka iskaashi ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, si loo dardargeliyo horumar waara iyo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay.