Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim Axmed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray howlaha mudnaanta leh ee la xiriira horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiradda iyo Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla Guddiga iyo sidii loo fududeyn lahaa gudashada waajibaadkiisa qaran.
Intii uu kulanku socday, waxaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in xuquuqda aadanaha lagu ilaaliyo si waafaqsan shuruucda dalka, dastuurka iyo heerarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay waajibka ku tahay inay dhowrto.
Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa sheegtay in dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka uu yahay mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee Wasaaradda ay ku guuleysatay hirgelintooda muddadii koobnayd ee ay hoggaaminaysay Wasaaradda.
Waxay xustay in Guddigu uu leeyahay door muhiim ah oo ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, la socodka xaaladda xuquuqda shacabka iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku saabsan xuquuqdooda aasaasiga ah.
Wasiiradda ayaa caddeysay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay inay mar walba garab istaagto Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo taageeradaas lagu xoojinayo awoodda shaqo ee Guddiga iyo sidii uu si hufan, madax-bannaan oo wax-ku-ool ah ugu gudan lahaa waajibaadka loo igmaday.
Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sidoo kale tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo hannaanka uu Guddigu ugu gudbayo marxaladda kama dambaysta ah ee helitaanka heerka “A”, kaas oo muhiim u ah sare u qaadista doorka Soomaaliya ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Dhankeeda, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa kulanka uga mahadcelisay Wasiiradda iyo Wasaaradda taageerada ay u muujinayaan Guddiga, iyadoo adkaysay muhiimadda wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta hay’adaha ay khusayso arrimaha xuquuqul insaanka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-xirka hay’adaha ay khusayso ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dardargeliyo howlaha Guddiga loona xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan ilaalin iyo garsoor ku saleysan sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah.