Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii uu horey u ansixiyay Baarlamaanka labada Aqal.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa sharcigan uu yahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sare u qaadidda caddaaladda. Wuxuu ammaanay wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee suurta gelisay dejinta sharcigan muhiimka ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka oo door muuqda ka qaadatay diyaarinta iyo dhismaha hay’addan cusub, isaga oo Alle uga baryay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla Guddiga cusub.
Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo dhismaha dowlad ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.