Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay horey uga diiwaan-gelisatay. Wasiirka waxaa wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Nuuro Mustaf Muqtaar Guudoow.
Dhinaca kale, Wasiir Khadiija ayaa kormeer ku tagtay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, halkaas oo si habsami leh uga socoto qaadashada kaararka codeynta, iyadoo dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayaan doorashada Golaha Deegaanka ee dhacaysa 25-ka bishan.
Wasiirka oo la hadashay shacabka degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ayaa ku boorrisay inay si firfircoon uga qeyb qaataan qaadashada kaararka, ayna u soo baxaan maalinta Khamiista si ay codkooda uga dhiibtaan goobaha loo asteeyay. Waxay tilmaantay in tani ay tahay taariikh dalkeennu qoro 57 sano kadib, oo shacabka Soomaaliyeed dib loo siiyay xaqooda doorasho si ay u doortaan hoggaan ay iyagu rabaan.