Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo la kulmay Hay’adda SOS

Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Salim Alio Ibro ayaa maanta ku qaabilay xarunta Wasaaradda wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda SOS, kaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Dakane. Kulankan ayaa ka mid ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Lataliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, iyo masuuliyiin kale oo labada dhinac ah, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh bulshada.

Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin taageerada bulshada nugul, xoojinta adeegyada daryeelka bulshada, iyo horumarinta barnaamijyada lagu kobcinayo xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa diiradda la saaray sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo waara oo ka qayb qaata yareynta shaqo la’aanta dalka.

Wasiir Prof. Salim Alio Ibro ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo hufan oo dhex marta Wasaaradda iyo Hay’adda SOS, isagoo xusay in iskaashiga noocan oo kale ah uu yahay mid muhiim u ah horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamka ilaalinta bulshada ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Agaasimaha Hay’adda SOS Mudane Cabdulqaadir Dakane ayaa sheegay in hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, si loo gaarsiiyo adeegyada bulshada heerar sare oo wax ku ool ah.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo go’aanno lagu dardargelinayo mashaariicda wadajirka ah, laguna xoojinayo wada-shaqeynta mustaqbalka, taas oo la filayo inay si togan u saameyso nolosha bulshada Soomaaliyeed.