Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Shirka Wasiirrada Shaqada Bariga iyo Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa ka qeyb galay Shirka Madasha 7-aad ee Wasiirrada Shaqada Bariga iyo Geeska Afrika (RMFM), kaas oo lagu qabtay magaalada Kampala, dalka Uganda.
Shirkan heer gobol ah ayaa diiradda lagu saaray is-waafajinta siyaasadaha socdaalka shaqada ee Bariga iyo Geeska Afrika, iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan mideysan oo lagu xaqiijinayo socdaal shaqo oo ammaan ah, nidaamsan, isla markaana waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee shaqada.
Intii uu socday shirka, Wasiirka ayaa ka qeyb qaatay doodaha muhiimka ah ee la xiriira horumarinta nidaamyada socdaalka shaqada, ka gudbidda caqabadaha jira, iyo dejinta istiraatiijiyado waara oo kor u qaada xuquuqda iyo fursadaha shaqo ee Bariga iyo Geeska Afrika.
Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo maareeyo arrimaha socdaalka shaqada, isaga oo yiri:
“Socdaalka shaqada waa fursad muhiim ah oo u baahan in si habsami leh loo hago, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona abuuro jawi shaqo oo waara.”
Sidoo kale, shirka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha waaweyn ee hortaagan socdaalka shaqada ee Bariga iyo Geeska Afrika, iyadoo la isla gartay talooyin wax ku ool ah oo lagu hormarinayo nidaamyada shaqo iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, si loo hubiyo nidaam shaqo oo cadaalad ah, ammaan ah, isla markaana fursado badan u abuura shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.