Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka isku-duwidda tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Wasiirka, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa daah-furay shirka, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqaynta, is-dhaafsiga khibradaha, iyo isku-dubbaridka qorshayaasha la xiriira horumarinta tamarta, maaraynta khayraadka biyaha dalka, iyo ka hortagga khataraha abaaraha.
Shirkan oo ah mid muhiim u ah horumarinta adeegyada aasaasiga ah, ayaa ujeedkiisu yahay in la helo hannaan mideysan oo lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, iyo adkeynta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.
Wasiir Bidhaan ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si qoto dheer looga doodo khataraha biyo-la’aanta ee ka jira dalka, isagoo tilmaamay in shirka inta uu socdo si gaar ah xoogga loogu saari doono arrimaha abaaraha, si xal waara looga gaadho caqabadaha biyo-la’aanta.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ee Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kuwaas oo kala ah:
-
Dowlad-Goboleedka Galmudug
-
Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed
-
Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari
-
Dowlad-Goboleedka Jubbaland
-
Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso kaabeyaasha tamarta iyo khayraadka biyaha, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo isku-duwidda Dowlad-Goboleedyada si loo hubiyo bixinta adeegyo waara iyo ka hortagga khataraha biyo-la’aanta ee dalka ka jira.