Wasiirka Warfaafinta iyo Wakiilka IOM ee Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo IOM, gaar ahaan doorka ay warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada, ka hortagga tahriibka iyo socdaalka halista ah, taageeridda dadka Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda, iyo kor u qaadidda doorka warbaahinta iyo dhaqanka ee nabad-dhiska, xasillinta iyo horumarinta bulshada.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa sheegay in warbaahintu ay tahay aalad muhiim ah oo lagu gudbiyo xog sax ah, lagu kobciyo fahamka bulshada, laguna taageero dadaallada dowladda ee ku aaddan xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka. Wuxuu tilmaamay in warbaahinta masuulka ahi ay door weyn ka qaadan karto wacyigelinta shacabka, gaar ahaan arrimaha la xiriira khataraha tahriibka, fursadaha gudaha ka jira iyo muhiimadda ay leedahay in la helo xog sugan oo lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in la ballaariyo wada-shaqeynta Wasaaradda iyo IOM, gaar ahaan dhinacyada tababarrada warbaahinta, diyaarinta ololayaasha wacyigelinta bulshada, ka hortagga tahriibka, xoojinta xasillinta bulshada iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah. Wuxuu xusay in iskaashi dhow oo dhexmara hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ahi uu muhiim u yahay hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo bulshada Soomaaliyeed faa’iido u leh.

Wakiilka Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira, ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay IOM uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado barnaamijyada la xiriira wacyigelinta bulshada, maaraynta socdaalka, ka hortagga tahriibka, dhiirrigelinta dadka iskood ugu soo laabanaya dalkooda, iyo xoojinta doorka warbaahinta ee taageeridda nabadda iyo xasilloonida.

Wakiilka IOM ayaa sidoo kale tilmaamay in warbaahintu ay tahay tiir muhiim u ah gaarsiinta fariimaha saxda ah ee bulshada, gaar ahaan xilliyada ay jiraan caqabado la xiriira socdaalka, xaaladaha bani’aadantinimo iyo dadaallada lagu dhisayo bulsho xog ogaal ah.

Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isla qaatay in la xoojiyo iskaashiga labada hay’adood, lana dardargeliyo hirgelinta barnaamijyo iyo mashaariic wadajir ah oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda saaraya wacyigelinta, nabad-dhiska, xasillinta bulshada iyo horumarinta doorka warbaahinta ee adeegga bulshada.