Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timid AUN Wariye Maxamed Terra

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Wariye Maxamed Aden Xirsi Terra oo saaka ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta XFS,  ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Aadan Isaaq ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku tumid Alle ha u naxariistee Wariye sare Maxamed Aaden Xersi Terra.

Allaha u naxariistee Maxamed Aadan Xirsi Terra waxa uu ahaa Rug Cadaa muddo badan ku guda jiray howlaha Saxaafadda, muddo badanna ahaa Wariye ka howlgala Radio Muqdisho.