Wasiirka Warfaafinta oo Kormeer Ku Tegay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay Hobollada Qaranka, fanaaniin, ciyaartoy iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka, Cismaan Cabdullaahi (Abwaan Guure), oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Tiyaatarka Qaranka, howlaha Hobollada iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka socday, Wasiirka ayaa gudaha Tiyaatarka Qaranka loogu qabtay kulan soo dhoweyn iyo warbixin isugu jirtay, kaasi oo ay ka qeyb galeen Hobollada Qaranka, fanaaniin iyo ciyaartoyda masraxa. Waxaa la iska xog wareystay xaaladda guud ee Tiyaatarka, caqabadaha jira iyo baahiyaha horumarineed ee la xiriira fanka iyo dhaqanka.

Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda, ilaalinta dhaqanka iyo kobcinta midnimada bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in Hobolladu ay door muuqda ka soo qaateen marxalado kala duwan oo dalka uu soo maray.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in Wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siin doonto horumarinta xuquuqda Hobollada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana la dardargelin doono dib-u-dhiska iyo casriyeynta Tiyaatarka Qaranka, si uu mar kale u noqdo xarun hormuud u ah dhaqanka, suugaanta iyo madadaalada bulshada.

“Hobollada Qaranku waa laf-dhabarta dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada. Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta xuquuqdooda iyo dib-u-soo nooleynta doorka muhiimka ah ee Tiyaatarka Qaranku ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirku.

Kormeerkan waxaa sidoo kale Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed iyo dib-u-soo celinta kaabeyaasha muhiimka ah ee fanka iyo suugaanta dalka.