Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Ameeriko, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka dekedda.
Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd dadaallada ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ku xoojinayso horumarinta dalxiiska Soomaaliya iyo kor u qaadidda adeegyada loo fidiyo dalxiisayaasha dalka soo booqda. Intii uu Wasiirku ku sugnaa Dekedda Muqdisho, waxaa la qabtay kulan ay labada dhinac uga wada hadleen qorshayaal lagu dardargelinayo howlaha dalxiiska iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan casri ah oo lagu diiwaangeliyo laguna tiro-koobo dalxiisayaasha dalka ka soo gala dhinaca dekedda.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay Dekedda Muqdisho u leedahay kobcinta dalxiiska, maadaama ay ka mid tahay marinada ugu muhiimsan ee ay dalka ka soo galaan dalxiisayaasha iyo martida caalamiga ah ee ku imanaya maraakiibta dalxiiska iyo kuwa ganacsiga. Waxaa la isla gartay in la sameeyo iskaashi dhow oo u dhexeeya Wasaaradda iyo maamulka Dekedda si loo fududeeyo adeegyada la siiyo dalxiisayaasha, loona abuuro jawi soo jiidasho leh oo ka tarjumaya horumarka dalka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho, isagoo indha-indheyn ku sameeyay howlaha ka socda dekedda iyo adeegyada ay bixiso. Wuxuu bogaadiyay horumarka ballaaran ee laga sameeyay maamulka iyo casriyeynta dekedda, isagoo xusay in Dekedda Muqdisho ay laf-dhabar u tahay dhaqaalaha Soomaaliya isla markaana door weyn ka qaadato kobaca ganacsiga, maalgelinta iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ka go’an tahay sidii dunida loogu soo bandhigi lahaa sawirka dhabta ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalka uu leeyahay goobo dalxiis oo hodan ku ah taariikh, dhaqan iyo qurux dabiici ah. Wuxuu tilmaamay in horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada uu abuuray fursado cusub oo lagu soo jiidan karo dalxiisayaal iyo maalgashadeyaal caalami ah.
“Waxaa naga go’an Wasaarad ahaan inaan dunida u gudbinno muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya, horumarka ay dadka Soomaaliyeed gaareen, fursadaha dalxiis ee dalka iyo isbeddelka muuqda ee dhinaca amniga. Soomaaliya maanta waa dal leh fursado badan oo u baahan in si sax ah loo soo bandhigo,” ayuu yiri Wasiirka.
Dhankiisa, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Ameeriko, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada iyo sida ay Wasaaraddu u danaynayso horumarinta dalxiiska. Wuxuu sheegay in maamulka Dekeddu uu diyaar u yahay inuu xoojiyo wada-shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda, si loo hirgeliyo qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada loo fidiyo dalxiisayaasha iyo martida caalamiga ah ee dalka soo booqata.
Gabagabadii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Maamulka Dekedda Muqdisho, iyadoo la hirgelin doono qorsheyaal kor loogu qaadayo dalxiiska, fududeynta adeegyada socdaalka iyo dhiirrigelinta sumcadda Soomaaliya ee caalamka, si dalka uu uga faa’iideysto fursadaha dhaqaale iyo horumar ee ka dhalan kara kobaca dalxiiska