Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka Dalxiiska Soomaaliya (Somalia Tourism Association – SOMTA).
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta dadaallada kobcinta dalxiiska Soomaaliya, kaas oo kaalin muuqata ka qaadan kara kor u qaadista sumcadda dalka, horumarinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo is-dhexgalka bulshada.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa xubnaha Ururka SOMTA u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso adeegga dalxiiska, sidaa darteedna ay xukuumaddu fulin doonto tallaabooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo dalxiiska Soomaaliya, kuwaas oo la jaan qaadi kara heerarka gobolka iyo caalamka intiisa kale.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Ururka SOMTA iyo hay’adaha kale ee sida gaarka ah isugu xilsaara kobaca dalxiiska Soomaaliya, kuwaas oo waayahan dambe soo jiitay warbaahinta caalamka.
Dhankooda, xubnaha Ururka SOMTA ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin kooban oo ku saabsan hawlaha ay hayaan, iyagoo ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya garab istaagga iyo taageerada ay siiso adeegga dalxiiska ee dalka.