Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026, oo muddo laba maalmood ah socotay, 7–8 Sebtembar.

Madasha waxaa ka qeyb galay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, bahda warbaahinta, saaxiibada caalamka, ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo saameeyayaasha baraha bulshada.

Madasha oo halku-dhiggeedu ahaa “Qaabaynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah” ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka warbaahinta dowladda, helitaanka xog sugan oo lagu kalsoonaan karo, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, iyo adeegsiga teknolojiyadda casriga ah iyo garaadka macmalka ah (AI).

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay anshaxa saxaafadda, tayeynta xirfadaha saxafiyiinta iyo sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo xirfad leh, adkaysi u leh caqabadaha, isla markaana la jaanqaadi karta isbeddellada degdegga ah ee dunida casriga ah.

Intii ay Madashu socotay ayaa waxaa qabsoomay dood-wadaagyo, bandhigyo, kulamo khubaro iyo wada-tashiyo, kuwaas oo lagu falanqeeyay xaaladda warbaahinta dalka, fursadaha iyo caqabadaha ka dhashay horumarka teknolojiyadda, iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu horumarin karo warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale laga hadlay doorka warbaahintu ku leedahay dib-u-xoreynta, xasillinta, gurmadka bani’aadannimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta loo adeegsado wacyigelinta bulshada iyo xoojinta midnimada dalka.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda warfaafinta dowladda, hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xiriirka Warbaahinta, mideynta farriimaha muhiimka ah ee dowladda iyo dhismaha hannaan joogto ah oo ay wadaagaan dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda.

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xiritaanka, ayaa sheegay in Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahintu ay ku soo aaday xilli muhiim ah oo loo baahan yahay in la xoojiyo la qabsiga casriyeynta warbaahinta, jiheynta iyo wacyigelinta bulshada.

Guddoomiye Shuute ayaa sidoo kale tilmaamay in ka-hortagga wararka been-abuurka ah, marin-habaabinta iyo isku-diridda bulshada ay yihiin ajande qaran oo u baahan iskaashi iyo isku-duwid dhinacyada kala duwan.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Nuur Siidow Baaba, oo ku hadlayay magaca dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, gaar ahaan horumarinta iyo la qabsiga warbaahinta casriga ah.

Wasiirku waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago khataraha ka dhasha wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, si loo helo warbaahin masuuliyad leh oo bulshada u gudbisa xog sax ah oo la isku halleyn karo.