Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Ku-simaha Safiirka Liibiya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasr Maxamed Al-Sanusi, oo booqasho isbarasho ah ku yimid Wasaaradda.

Ugu horreyn, Wasiirka ayaa safiirka ku soo dhoweeyay xarunta Wasaaradda, isagoo u muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u daneyneyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Liibiya. Wasiir Cabdifitaax ayaa sidoo kale safiirka soo tusay qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka sida SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda SONNA, Wargeyska Dalka iyo Keydka Qaranka ee Radio Muqdisho.

Kaddib kormeerka, Wasiirka iyo Safiirka ayaa yeeshay kulan rasmi ah oo ku qotoma isbarasho iyo hambalyo, iyadoo Danjire Nasr Maxamed Al-Sanusi uu Wasiirka u soo gudbiyay hambalyo la xiriirta la wareegistiisa xilka cusub, isla markaana u rajeeyay in uu ku guuleysto hogaaminta Wasaaradda iyo hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta xiriirka xirfadeed si loo adkeeyo iskaashiga labada dal.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya ayaa adkeeyay baahida loo qabo sii wadidda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha warbaahinta iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaaltinimo ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Liibiya.