Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Suudaan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka taariikhiga ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo labada dhinac ay isla eegeen sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo labada shacab, kaas oo ku dhisan walaaltinimo, is-ixtiraam, iskaashi iyo xiriir taariikhi ah oo soo taxnaa muddo dheer.

Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi ayaa uga mahadceliyay Wasiir Cabdifitaax Qaasim Maxamuud soo dhoweyntiisa diirran, isagoo xusay in Dowladda iyo shacabka Suudaan ay si weyn ugu faraxsan yihiin xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay muhiim u tahay in labada dal ay sii xoojiyaan iskaashigooda, gaar ahaan dhinacyada ay labada dowladood iyo shacabkoodu ka leeyihiin dano wadaag ah, iyadoo la sii horumarinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa caddeeyay in Soomaaliya iyo Suudaan uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo taariikhi ah, kaas oo salka ku haya is-ixtiraam, iskaashi, isku duubni iyo xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya labada shacab.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda ay mar walba si weyn u qadariyaan taageerada, garab istaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ay Dowladda iyo shacabka Suudaan la leeyihiin Soomaaliya.

Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday doorka muhiimka ah ee warbaahintu ka qaadan karto xoojinta xiriirka labada shacab, is-dhaafsiga macluumaadka iyo khibradaha, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga hay’adaha warbaahinta ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa booqday Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo xarunta Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ugu kuurgaleen howlaha ka socda xarumahaas iyo doorka ay ku leeyihiin gudashada waajibaadka warbaahineed, wacyigelinta bulshada iyo kaydinta taariikhda dalka.

Intii ay booqashada ku guda jireen, waxaa mas’uuliyiinta la socday loo soo bandhigay howlaha kala duwan ee ay qabtaan Warbaahinta Qaranka, iyadoo sidoo kale la sharxay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo kaydinta taariikhda warbaahinta Soomaaliyeed iyo kaalinta ay warbaahintu ku leedahay bulshada.

Xarunta Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho ayaa si gaar ah u ah goob muhiim u ah xafididda taariikhda warbaahinta Soomaaliyeed, maadaama ay ku jiraan keydyo iyo xusuuso la xiriira marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka iyo warbaahinta qaranka.

Booqashada ayaa sidoo kale fursad u ahayd Safiirka Suudaan inuu si dhow u arko howlaha ay qabtaan hay’adaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada warbaahinta, kaydinta xogta iyo gudashada waajibaadka warbaahineed.

Kulanka iyo booqashada ayaa guud ahaan muujinayay muhiimadda ay labada dhinac siinayaan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta, lana horumariyo xiriirka dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, si loo abuuro fursado cusub oo kor loogu qaadayo xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, iyadoo la muujiyay sida ay muhiim u tahay in labada dal ay sii wadaan wada-shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan danaha labada shacab iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.