Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug Khawaarijta looga dilay in ka badan 100 maleyshiyaad ah halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.