Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wang Yu Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, kaas oo ka dhacay xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dowladood, si loo sii xoojiyo danaha wadaagga ah iyo xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah.
Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee Shiinuhu ka qaato dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka. Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii xoojiyaan wada shaqeynta dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo horumarinta dalxiiska.
Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka, isaga oo bogaadiyey xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjiraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada mudnaanta leh ee wax ku oolka u ah shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, si loo xoojiyo danaha wadaagga ah loona hirgeliyo iskaashi istiraatiiji ah oo waara, kaas oo faa’iido u leh labada shacab iyo dowladood.