Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho kula Kulmay Safiirka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalam Ali, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Xasan Keshtah, kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah loo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga gobolka, iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada dal.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo tababarrada, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo fursadaha waxbarasho iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo xoojiyo awoodda aqooneed ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Abdisalam Ali ayaa muujiyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka ay la leedahay Masar, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn ku dhisan danaha wadaagga ah iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Dhankiisa, Maxamed Saalax Xasan Keshtah ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in labada dal ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dal, lana dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo midka horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.