Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali, ayaa magaalada Laascaanood kulan kula qaatay guddi Isimo ah oo ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Wiilwaal.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay dadaallada nabadeynta ee uu Guddiga Isimada u yimid SSC-Khaatumo, iyadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo masuuliyiin kale.