Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Koonfur Galbeed oo maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay xiritaanka shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay xiritaanka shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Shirkan ayaa si qoto dheer looga hadlay xoojinta wadashaqeynta hay’adaha kala duwan, horumarinta khayraadka batroolka iyo macdanta, iyo waxyaabihii la qabtay labadii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo ka faa’iideysiga khayraadka dalka si waafaqsan shuruucda iyo danaha shacabka.
Wasiir Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhab ah oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh, si loo xaqiijiyo in khayraadka dalka loo adeegsado horumar waara iyo kobcinta dhaqaalaha.