Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan wada-tashi ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir guddoomiyay kulan wada-tashi ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda, kaasoo looga hadlay caqabadaha ka jira Wabiga Shabeellada Hoose iyo baahida degdegga ah ee loo qabo dib u dayactirka buundooyinka muhiimka u ah isku socodka iyo dhaqaalaha deegaanka.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xal u helidda buundooyinka u baahan dayactirka iyo dib u dhiska, kuwaas oo ay ka mid yihiin buundooyinka Sabiib, Caanoole, Bariire, Janaale iyo Awdhiigle. Buundooyinkan ayaa laf-dhabar u ah isu socodka bulshada, ganacsiga, iyo gaadiidka qaada dalagyada beeraha ee ka soo go’a gobolka Shabeellada Hoose.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay xubno sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macalin Fiqqi, Wasiirka Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, ganacsato, beeraley ka kala socday Gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Golweyn, sariflayaal, iyo wakiillo ka socday hay’adaha Hormuud Salaam Foundation iyo ADC.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, ganacsatada iyo bulshada deegaanka si loo xalliyo caqabadaha jira, loona hirgeliyo buundooyin waara oo ka jawaabi kara baahida dadka iyo ganacsiga. Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dardargeliyo nadiifinta marinnada biyaha wabiga si loo yareeyo fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee saameeya wax-soo-saarka beeraha.

Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu uruuriyay dhaqaale lagu taageerayo howlaha dib looga soo saarayo biraha buundooyinka ee ku go’ay wabiga iyo nadiifinta guud ee wabiga, si loo fududeeyo isu socodka bulshada iyo gaadiidka qaada dalagyada beeraha. Tallaabadan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaadato xoojinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Shabeellada Hoose.