Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DKGS mudane Said Ahmed Ali oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Ibrahim Adam Ali, ayaa xafiiska Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Dr. Abu Obeida Eltayeb, Maamulaha Barnaamijka Tallaalka ee Hay’adda UNICEF xafiiskeeda Soomaaliya, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku soo gaaray magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka DKGS iyo Hay’adda UNICEF, gaar ahaan horumarinta barnaamijyada caafimaadka ee ay labada dhinac wada shaqeeyaan, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu gaari karo adeegyo caafimaad oo tayo leh oo gaara dhammaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Dr. Abu Obeida Eltayeb ayaa ka warbixiyay dadaallada Hay’adda UNICEF ee la xiriira taageerada barnaamijyada tallaalka, tayeynta nidaamka caafimaadka, iyo sida ay hay’addu uga go’an tahay inay sii xoojiso wada shaqeynta ay la leedahay Wasaaradda Caafimaadka DKGS.
Dhankiisa, Wasiir Said Ahmed Ali ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNICEF taageerada joogtada ah ee ay siiso Wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya Wasaaradda, hay’adaha caalamiga ah iyo deeq-bixiyayaasha, si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyo caafimaad oo dhameystiran iyo adeegyo tallaal oo badbaado leh oo gaara guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed.
Kulanka ka dib, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa wafdiga ku soo wareejiyay Isbitaalka Gobolka Baay, gaar ahaan qeybta kaydka tallaalka iyo xarunta karantiilka ee lagu daweeyo carruurta uu ku dhaco cudurrada faafa. Wafdigu waxay kuurgaleen xaaladaha ka jira xarumahaasi, tayada adeegyada caafimaad ee la bixinayo, iyo daryeelka guud ee ka socda dhammaan Isbitaalka Gobolka Baay.