Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Bare Maxamuud oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxa uu ka qeyb galay dood cilmiyeed

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Bare Maxamuud oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxa uu ka qeyb galay dood cilmiyeed ciwaankeedu uu yahay lafa gurka siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Maxamed Bare ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyo geedi socodka ajandayaasha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS.
Sidoo kale dood cilmiyeedka uu ka qeyb galay Wasiirka, ayaa waxaa su’aalo kala duwan ku weydiiyey dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Gudoomiyaha Madasha Kasmaal Shaafici Cali Nugaal ayaa uga mahadceliyey wasiir Maxamed Bare waqtiga uu la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Magaalada Kampala ee dalka Uganda.