kormeerkaas oo uu ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Faraax Cabdinuur Axmed.
Wasiirku ayaa mid mid u kormeeray waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo warbixinno faahfaahsan ka dhagaystay Agaasimayaasha Waaxyaha, kuwaas oo ku saabsanaa hawlaha socda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ku boorriyay dardargelinta shaqada, kor u qaadista hufnaanta iyo xoojinta wada shaqaynta si loo gaaro yoolalka Wasaaradda.