Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa si weyn u bogaadiyey doorka Akadeemiyada ADHI Somali ee ku aaddan horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan baridda farsamada gacanta.
Wasiirka oo uu wehliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda mudane Siciid Maxamuud Xayd ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda daahfurka rasmiga ah ee Akadeemiyada ADHI Somali, oo ujeedkeedu yahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee dhallinyarada, si ay uga qeyb qaataan horumarka dalka iyo yareynta shaqo la’aanta.
Mudane Wasiir Ayuub Ismaaciil ayaa ku amaanay Akadeemiyada ADHI dadaallada ay ku bixisay tayeynta awoodda dhallinyarada, isagoo xusay in waxbarashada farsamada gacanta ay laf-dhabar u tahay horumar waara iyo is-ku filnaansho dhaqaale.
Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS ayaa mar walba taageeraysa hay’adaha iyo barnaamijyada ka shaqeeya horumarinta dhallinyarada iyo dhismaha mustaqbalka dalka.