Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah furtay Mashruuca Barnaamijka Wadajirka Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka ee (WPP-II), kaas oo socon doona muddo laba sano ah.
Waxaa kulanka daah furka kalmado ka jeediyay Goerge Conwey Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Bani’aadannimada iyo Deegaanka ee Xafiiska Qaramada Midoobey Marwo Anna Mutavati, Isuduwaha Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee Hay’adda UN Women, Madaxa Hay’adda UNDP Mr Lionel Laurens, Madaxa Barnaamijyada Hay’adda UN Women Marwo Rukia, Wasiiradda Haweenka ee DXDFS iyo Marwo Sahra oo ku hadashay magaca bulshada Rayidka, waxaana si rasmi ah u daah furay mashruuca Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-makhsuumi.
Mashruuca maanta la daahfuray ayaa loogu tagalaglay in wax looga qabto guud ahaan xaqiijinta horumarinta arrimaha haweenka iyo in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka ee nabad-dhisidda, hoggaaminta, iyo go’aan qaadashada. Sidoo kale Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa in haweenka lagu taageero dhaqangelinta sharuuc, siyaasado iyo hannaan nabadeed oo ka dhigaya ka-qaybgalkooda mid muuqda oo wax ku ool ah, si loo helo nabad waarta iyo bulsho loo wada dhanyahay.
Mashruucan waxaa hoggaamineysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay fulinayaan UN Women iyo UNDP, isla markaana ay taageerada farsamo ay bixinayso UNTMIS, waxaana Wajigiisa labaad ee mashruucan uu ka dhashay casharradii iyo guulihii laga bartay wejigii koowaad, waxaana lagu xoojinayaa isku-duwidda hawlaha muhiimka ah ee ku saabsan horumarinta arrimaha haweenka ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo kor loo qaadayo doorka haweenka iyo adkaynta nidaamyada ilaalinta iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.
Dhinaca kale Mashruucan waxaa uu si toos ah u gaari doonaa 6,000 oo qof, halka saameyntiisa guud ay gaari karto ilaa 42,000 oo qof, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo, gabdhaha, dumarka naafada ah, dadka laga tirada badan yahay, iyo barakacayaasha.
Mashruuca Waxaa laga fulin doonaa guud ahaan dalka oo dhan muddo 24 bilood ah, taas oo ka dhigaysa mashruuc leh saameyn qaran oo xoogga
Home Wararka Maanta Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo maanta magaalada Muqdisho ku...