Wasiirka Wasaradda Dekadaha iyo Gadiidka XFS oo Kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Abdulkadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada hal-abuurka, horumarinta teknoolojiyada casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Türkiye ku leedahay qaban-qaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada casriga ah.

Wasiirku wuxuu xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya.