Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Albashiir Cilmi Xuseen, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowladda Galmudug si rasmi ah uga daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare. Daah-furka imtixaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo hannaanka qiimeynta waxbarashada iyo kor u qaadidda tayada tacliinta ee dalka.

Sannadkan, guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u fadhiisanaya 44,134 arday, kuwaas oo ku kala sugan gobollada iyo maamullada kala duwan ee dalka. Deegaannada Dowladda Galmudug, waxaa imtixaanka sanadkan u fariisanaya 3,617 arday oo ku kala sugan sagaal degmo, taas oo muujinaysa kororka iyo baahida sii kordheysa ee waxbarashada ee deegaannada Galmudug.

Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ardayda u diray farriin dhiirrigelin ah, isagoo u rajeeyey guul, nasiib wanaagsan iyo inay gaaraan natiijooyin wanaagsan oo ka tarjumaya dadaalkii iyo juhdigii ay geliyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada. Waxa uu ku boorriyey ardayda inay muujiyaan kalsooni, dulqaad iyo dadaal, si ay u gaaraan himilooyinkooda waxbarasho iyo kuwa mustaqbalka.

Wasiirku waxa uu sidoo kale bogaadiyey kaalinta ay macallimiinta, waalidiinta iyo maamulka dugsiyadu ku leeyihiin diyaarinta ardayda iyo taageerada ay siiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada. Wuxuu xusay in guusha ardaydu ay tahay guul u soo hoyata bulshada oo dhan, isla markaana ay muhiim tahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada.

Munaasabadda daah-furka imtixaanka waxaa goob joog ka ahaa kormeerayaasha imtixaanka heer federaal, laamaha amniga iyo Duqa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, Mudane Cabdiraxmaan Geedaqorow, kuwaas oo dhammaantood ardayda u rajeeyey guul iyo natiijooyin wanaagsan. Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in imtixaanka lagu galo jawi amni iyo xasillooni leh, si ardaydu ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda waxbarasho.

Daah-furka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee Galmudug ayaa muujinaya dadaallada wadajirka ah ee Dowladda Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada iyo dhisidda jiil aqoon leh oo door muhiim ah ka qaata horumarka iyo mustaqbalka dalka. Ardayda sanadkan imtixaanka u fariisanaysa ayaa rajeynaya inay ku guuleystaan dadaalkii ay sannadaha badan ku soo bixiyeen waxbarashadooda, si ay u gaaraan heerarka sare ee tacliinta iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.