Wasiirka Waxbarashada oo Dardaaran Amni iyo Hagis u Jeediyey Saraakiisha Booliiska ee Sugaya Imtixaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarah Sheekh Cabdulkadir, ayaa maanta dardaaran iyo tilmaamo muhiim ah u jeediyey kormeereyaasha iyo saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed ee loo xilsaaray sugidda amniga iyo kormeerka Imtixaanka Qaranka, kuwaas oo ku wajahan gobollada dalka.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta hufnaanta, daahfurnaanta iyo amniga Imtixaanka Qaranka, si ardaydu ay ugu galaan jawi deggan oo aan wax faragelin ah lahayn. Wasiirka ayaa saraakiisha ku boorriyay inay si adag u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida nidaamka imtixaanka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa xusay in Imtixaanka Qaranku uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed, isla markaana uu astaan u yahay horumarka iyo dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta amniga imtixaanku ay tahay mas’uuliyad qaran oo wadajir u saaran dhammaan hay’adaha ku lugta leh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda joogtada ah ee ay ka qaataan sugidda amniga imtixaannada iyo ilaalinta nidaamka waxbarashada, isagoo sheegay in iskaashiga Wasaaradda Waxbarashada iyo laamaha amniga uu muhiim u yahay guusha Imtixaanka Qaranka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku boorriyay saraakiisha loo dirayo gobollada dalka inay muujiyaan feejignaan sare, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka dugsiyada iyo bulshada si loo xaqiijiyo in Imtixaanka Qaranku u qabsoomo si nabad ah, hufan oo cadaalad ah.