Wasiirka Waxbarashada oo xilka Qaadis lagu sameeyay

Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26-ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu xilkan sii heynayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Digreetada Wasiirka xilka looga qaaday ayaa waxaa warbahinta u aqriyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadam Isxaaq Cali.

Sababta xilka looga qaaday Wasiirka ayaa waxaa loo badinayaa inay tahay hadal uu sheegay ee ahaa inaanu aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka xittaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, hadalkaasi ayaa la sheegay inuu ka careysiiyay Madaxda Qaranka.

Wasiir C/raxmaan ayaa hadalkii uu yiri wuxuu ahaa “Anaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Jaamacad ahaan u aqoonsanahay ma jirto oo aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsahay oo tayada waxa ay bixinayso, sababtoo ah koow waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Hadalkan Wasiirka uu sheegay ayaa noqday mid ay la yaabanaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana si wayn loogu hadal hayay Baraha Bulshada, taasi oo ugu dambeyn qasabtay inuu xilkiisa ku waayo.