Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Türkiye kulan kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye, Marwo Celile Eren Ökten.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara, Mudane Fathudiin Cali Maxamed, iyadoo mas’uuliyiintu diiradda saareen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo tacliinta sare.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga waxbarasho ee Soomaaliya iyo Türkiye, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha waxbarasho iyo tababarrada la siinayo ardayda iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed.
Wasiirka Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso horumarinta nidaamka waxbarashada iyo tacliinta sare, iyadoo xoogga la saarayo tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada, iyo xoojinta xiriirka hay’adaha waxbarashada ee labada dal.
Dhinaca Türkiye, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Celile Eren Ökten, ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga waxbarasho ee labada dal, iyadoo la xoojinayo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha waxbarashada Soomaaliya iyo Türkiye.
Sidoo kale, kulanka ayaa fursad u ahaa labada dhinac inay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan khibradaha iyo waayo-aragnimada waxbarashada, iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi wax ku ool ah oo ka qeyb qaata horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Türkiye ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay yeeshay iskaashi dhinacyo badan leh, waxaana waxbarashadu ka mid tahay meelaha muhiimka ah ee labada dal ay iska kaashadaan.
Kulanka Ankara ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay hay’adaha waxbarashada ee dalalka kale, iyadoo la doonayo in la helo fursado dheeraad ah oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.